Sicir barar ka jira Somaliland

Sicir barar ka jira Somaliland

Suuqyada magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland ayaa maalmahan danbe si aad ah looga dareemayaa sicir barar.

Arrintan ayaa ka dhalatay kadib markii shillinka Somaliland uu qiimo beelay marka lagu sarrifo dollaarka.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa tegay suuqa weyn ee sarrifka ee bartamaha magaaladaasi, Warbixintan ayuuna noo soo diray.